Daaresalaam (SONNA): Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyey shir madaxeedka Afrika ee horumarinta Aadanaha oo lagu qabtay Daaresalaam ee dalka Tanzania.
Wasiirka ayaa sharxay xaaladda waxbarashada dalka iyo hiigsiga ummaddeena, isagoo sheegay in waxbarashadu fure u tahay nabadgelyada, wada noolaanshaha iyo horumarka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya oo dadkeedu dhallinyaro u badanyahay ay wajahayso cadaadis ballaaran oo ka haysta fidinta waxbarashada, balse dowladdu ay qaaday tallaabooyin waawayn oo waxbarashada aas aasiga ah lagu horumarinayo laguna tayeynayo.