Muqdisho (SONNA) Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.
Wasiirka iyo guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii wasaaradda hheyraadka biyaha iyo hay’addu ay iskaashi iyo wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen, gaar ahaan isdhaafsiga xoggaha, ka hortagga fatahaadaha si loo yareeyo saamaynta abaaraha, fatahaadaha iyo iswaafajinta dadaalada xarumaha ka digista ee saadaasha roobabka iyo biyaha ee labada dhinac.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa hanaan is waafqasan oo lagu yareynayo saamaynta abaaraha, fatahaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ku saabsan xalalka waara iyo u adkeysiga aafooyinka.