Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Mehmet Yฤฑlmaz iyagoo ka wada hadlay ย sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay hore wasaaraddu ula gashay dhiggeeda Turkiga,iyadoo safiirka Turkiga uu qaadanayo doorka fududeynta ah, is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo horumarinta Soomaaliya.
Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Mehmet Yฤฑlmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.