Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge oo ah wafdi ka soda Bangiga adduunka kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Muqdisho in ay Wassaaradda kala hadlaan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgelin doono ee la xiiira kallumeysiga dalka.
Waftdigan ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed gaar haan kawa la xiriira Kalluumeysiga ee Bangiga Adduunku uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.
Waftdigan ayaa si gaar ah faahfaahin uga siiyey wasiirka qorsheyaasha sacda ee la xiriira mashariicda Kalluumeyiga iyo dhaqaalah Buluugga ah lagu horumarinayo ee Bangiga Adduunka iyo wasaaradda ay ka wadashaqeynayaan kuwaas oo la doonayo in lagu horumariyo Kalluumeysiga gudaha si loo agar isku filnaasho dhaqaale oo waara.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa wafdigan uga mahadceliyey imaatinkooda iyo warbixinta ay la wadaageen, waxaana u ballan qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn doono hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka gaar ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa u sheegay in uu doonayo in uu mustaqbal wanaagsan u horseedo wasaaradda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku foogan Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah sidaa darteed ay muhiim tahay Bankiga Adduunku uu munaan siiyo qorsheyaasha wax ku oolka ee khuseeya Kalluumeysiga.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Shikh Cabdullahi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali.