Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay wafdi ka socday hay’adda Qaxootiga ee UNHCR.

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Obokar Dubbe ayaa manta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya.

Kulaanka qaabilaadaasi oo ahaa mid  isbasho ah, waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyta Hay’adda iyo Wasaaradda Warfaafinta,iyadoo ay ka qeybgalay wakiilka hay,adda qaxootiga aduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse, Madaxa Hay’adda UNHCR ee Muqdisho Mudane Axmed Ceynte.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Obokar Dubbe  ayaa uga mahadceliyay hay’adda Qaxuutiga aduunka howlaha muhiim ka ah oo ay dalka ka qabato gaar ahaan gargaarka iyo samatabixinta dadka u baahan caawinaada.

Wasiirku, waxaana uu ku booriyay Hey’adda UNHCR inay sii labo jibaaraan howlaha ay ka qabtaan dalka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane C/laahi Xayir Dcaale iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

 

La wadaag cid kale