Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool
    November 9, 2025
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 29, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qeyb galay munaasabad abaal marin lagu gudoonsiinayey saxafiyiin ku guuleystay tartartanka diyaarinta warbixino ku saabsan arrimaha bulshada.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta safaarada ingiriinka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ee mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Deeqa yaasiin, kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya mudane Dr Mattew Rowland, xildhibaano iyo wakiilo matalayey ururada saxaafada Soomaaliyed.

Munaasabada ayaa ujeedadeedu aheyd siddii abaalmarin loo guddoonsiin lahaa afar saxafi oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa diyaarinta sheekooyin arrimaha bulshada oo hab muuqaal loo diyaarinayey, kaasi oo safaaradda ingiriinska ay ku dhawaaqday Seddexdii Bishii May ee sanadkii hore oo ku beegneyd maalinta saxaafada xorta ah ee caalamka.

Dr Mattew Rowland oo ah kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay safaaradu uqabatay tartanka ay tahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa loona muujin lahaa tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaggoo hambalyo udiray saxafiyiintii ku guuleystay abaalmarinta.

Xoghayaha ururka isu tagga saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Maxamed ibraahim Macalimow ayaa sheegay in abaalmarintani ay dhiiri-gelineyso islamarkaana horumarineyso tayada dhalinyarada saxafiyiinta ah, isaggoo safaaradda Ingiriinka uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin saxafiyiinta Soomaliyeed,.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha Maryam yaasiin oo gabogabadii Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo ay u ujeediyeen dhalinyarada guuleystay kadib waxay sheegeen in hoggaanka dawladda ay ka go’an tahay in ahmiyad weyn siiyaan xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn qaar kamid ah dhalinyaradii ku guuleytay tartanka oo la gudoonsiiyey shahaadooyin ayaa sheegay inay kufaraxsanyihiin abaalmarinta la gudoonsiiyey.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Bakool (SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka ganacsiga oo kulan la yeeshay danjiraha Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya…

GudahaWararka
June 16, 2025

Wasiirka difaaca oo hambalyo ku aaddan maalinta Calanka la wadaagay shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo shacabka la wadaagay hambalyada maalinta Calanka ee 12ka October. “Waxaan guud ahaan ummadda…

GudahaWararka
October 12, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka in ay banneeyaan

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah furay Imtixaanka shaqaaleysiinta Saddex kun oo Macallin oo…

GudahaWararka
February 27, 2023

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo mar kale ciidamada uga digay in ay ku milmaan siyaasadda

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ciidamada Qaranka uga digay inay ku milmaan ama loo…

GudahaWararka
January 9, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023