Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโuud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey madaxda ururrada saxaafadda ee FESOJ, SOMA iyo MEDIA WOMEN NETWORK (MWN). Waxaa xubnaha uu shirka la qaatey ay kala yihiin Faarax Cumar Nuur (FESOJ), Maxamed Cusmaan Makaraan (SOMA) , Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye (MWN) iyo Maxamed Maxamuud Cadde.
Kulankan wadatashiga ah ayaa looga hadlyay sidii Wasaaradda iyo Ururrada Suxufiyiintu isaga kaashan lahaayeen u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, looguna gudbin lahaa fariimo sax oo la xiriira wacyigelinta iyo horumarka dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamey doorka ururradan ku leeyihiin horumarka saxaafadda iyo waqtigii adkaa ee ay ku shaqeynayeen, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay weli ugu adeegayaan shacabka. Waxaa uu wasiirku intaa ku darey in saxaafaddu ay kaalin mug leh ay ku leedahay jiheynta shacabka iyo dhismaha dowladnimada , madaama ay iyagu yihiin kuwa fariimaha waxgalka ah u gudbiya bulshada.
Madaxda ururrada suxufiyiinta ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in wax laga qabto caqabadaha qaar , taasina ay qeyb weyn ka qaadan karto in fariimo wax dhisaya oo isku mid ah loo gudbiyo bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa u ballan qaadey madaxda ururrada in wasaaraddu ay xoogga saari doonto wadashaqeynta ay la leedahay dhammaan ururrada saxaafadda iyo warbaahinta kala duwan ee dalka ka jira, isagoo intaa ku darey in caqabadaha jira si wadajir ah xal loogu raadin doono.