Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Daa’uud Aweys Jaamac oo tababar ku saabsan sida loo tabiyo wararka ku saabsan xaquuqda carruurta u furay qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Mudane, Daaโuud Aweys oo ka hadlayay furitaanka tababarka ayaa sheegay in carruurtu ay yihiin qeyb ka mid ah bulshada, taas oo muhiimad weyn ugu fadhido dowlad, Qaran ama Ummad jirta, kuwaas oo xaquuq buuxda u leh in ay helaan waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adegyada asaasiga ah.
โDowlad, Qaran ama Ummad waxay wax ku noqotaa hadba sida ay carruurteeda daryeesho ama usoo koriso, waxayna xuquuq u leeyihiin carruurtu in ay helaan wax barasho, caafimaad, quudin iyo daryeel kasta oo ay bulshada u baahan tahayโ
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta xaquuqda carruurta oo ay ka mid tahay in ay helaan waxyaabaha asaasiga u ah baahiyahooda guud, si ay mustaqbalka qeyb uga qaataan dhismaha dowladnimada.
Wasiirka ayaa wariyeyaashii ka qeyb galay tababarka u sheegay in ay muhiimaddu tahay sidii ay xil gaar ah isaga saari lahaayeen ilaalinta xuquuqda carruurta loona baahan yahay in ku dhiirri geliyaan in ay yihiin hoggaamiyeyaasha burrito, loona diyaariyo tacliin ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambayn sheegay in hadba sida loo diyaariyo carruurta maanta uu ahaanayo muuqaalka Soomaaliyda berri, loona baahan yahay in ay saxaafaddu door muhiim ah ka ciyaarto waadaama ay tahay halka ugu wanaagsan ee lagu gudbiyo farriimaha.