Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 24, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, hay’adda Tubsan iyo hay’adda Albany, waxaana lagu tababaray 354 qof oo u badan wariyayaasha ka hawlgalada furimaha dagaalka, hawlwadeenada ka shaqeeya Barnaamijyada la xiriira la dagaalanka Khawaarijta iyo dhiira-galinta isi soo dhiibayaasha, ururrada Haweenka iyo hawlwadeeno ka socday dowlad goboleedyada, waxaana ay tababaradaasi ka kala dhaceen Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dhismaha xirfadda iyo aqoonta hawlwadeenada Warbaahinta iyo hay’adaha ku howlan la dagaalanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo nolol u sameynta dhalinyarada ka soo baxaysa kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay howlwadeenada Hay’adda Albany iyo Macalimiintii la shaqeynayay intii uu socday tababarkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo tababarrada iyo farriimaha wacyigalinta ah ee la xiriira ka hortaga fikirka xagjirka ah, been abuurka Khawaarijta iyo dhiiragalinta dhalinyarada doonaysa in dadkooda ay ka mid noqdaan.

Safiirka ku xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Steven Gillen oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay dedaalada wadajirka ah ee la isaga kaashanayo dhismaha aqoonta howlwadeenada iyo wariyayaasha ka shaqeeya la dagaalanka kooxaha Khawaarija ah iyo fikirkooda qaldan, wuxuuna sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada qorshaha Soomaaliya ku xoojinayso amnigeeda, kuna ciribtirayso argagixisada Khawaarijta ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo agaasimayaal ka soo shaqeeyay intii uu socday barnaamijka iyo qaar ka mid ah howlwadeenadii ka faa’iistay.

Gabogabadii munaasabadda waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Macalimiintii iyo Hay’adda Albanay oo taageeray qabsoomidda tababaraddan socday ku dhowaad muddo labo sano ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Jubaland oo Guddoomiyay shirka Golaha wasiirada “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah…

GudahaWararka
June 17, 2021

Musuq-maasuqu waa dilaaga Qaranka (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Musuqmaasuq Af Ingiriis waxaa lagu yiraa corruption,  waa nidaamka oo maamul xun iyo been leh kooxda dowladda ama xukumaad ama…

MaqaalladaWararka
May 13, 2023

Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo la shaaciyay

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo…

GudahaWararka
January 28, 2023

Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Aqalka sare ku bogaadiyay ansixinta hindise sharciyeedka hay’adda

Muqdisho.(SONNA):- Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Cabdiqaadir Cilmi Cali ayaa golaha Aqalka sare uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedka…

GudahaWararka
March 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023