Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta oo qaabilay wakiilka KMG ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta oo qaabilay wakiilka KMG ee Qaramada Midoobay
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta oo qaabilay wakiilka KMG ee Qaramada Midoobay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: January 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee KMG ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiirka iyo Danjire Swan ayaa ka wadahadlay doorka Warbaahinta Qaranka ay ka qaadaneyso ajandayaasha muhiimka ah ee dalka, sida dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka iyo arrimaha kale ee hortebinta u Ieh Soomaaliya.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa sidoo kale dul istaagay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka amniga iyo sida Ciidamada Qalabka Sida ay diyaar ugu yihiin in marka uu dhammaado Hawlgalka AUSSOM la wareegida amniga dalka.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaaray hawlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan -sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay hawlaha u qabsoomay DFS , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Waasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday Kaydka Dhexe ee Cajaladaha ee Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartay arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya 30kii sanno ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka: “Hadii Aad Isku aragto Astaamaha Lagu Garto COVID19 La Xariir Xarumaha Lagula Tacaalo Feyruska Karoona” SAWIRRO

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee…

Wararka
May 20, 2020

Taliska Mareykanka Afrika oo weeraray xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maalinimadii shalay weerar ku qaaday xarun ay ku sugnaayeen…

Wararka
January 14, 2021

Safiirka JFS u fadhiya China oo ka qeyb galay shirka rugta ganacsiga iyo ururada caalamiga ah

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Kullane, , ayaa ka qeyb galay shirka Rugaha Ganacsiga iyo…

GudahaWararka
November 23, 2023

Muqdisho:dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Muqdisho(SONNA):-shil uu sababay burbur guri oo xalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa sababay dhimashada afar caruur ah…

GudahaWararka
May 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023