Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka
    August 14, 2025
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 10, 2023
3 Min Read
Share

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Daaโ€™uud Aweys ayaa sheegay in Masar ay Soomaaliya ka ballan qaadday garab istaag dhan walba ah, isagoo tilmaamay inuu iskaashiga iyo wax wada qabsida labada dal uu ka horeeyay xornimadii Soomaaliya.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Raโ€™iisulwasaaraha XFS mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Masar ay ugu deeqi doonto waxbarasho bilaash ah oo loo fidinayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo labada dalba ay isdhaafsan doonaan cilmi barisyo ay samaynayaan quburo ka kala socota labada dal.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Masar, Dr. Nevin Al-Kilaniย  ayaa dhankeeda sheegtay in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah ay labada dhinac isku dhaafsan doonaan ka qaybgalka xafladaha fanka ee labada dal oo ay ka mid yihiin masraxa, sheeko-xariirooyinka iyo bandhigyadaย  hiddahaย  iyo masraxa carruurta.

Dr. Nevin waxay intaas ku dartay inย  labada dhinac ay isweydaarsan doonaan bandhig faneedka, farshaxannada hiddaha iyo dhaqanka ah, iyo sidoo kale booqashooyin ay isdhaafsandoonaanย  kooxaha fanka ee dhinacyada masraxa, muusiga, heesaha iyo fanka hiddaha iyo dhaqanka iyo ka qaybgalka fagaarayaasha, shirarka iyo siminaarrada la xiriira dhaqanka iyo aqoonta ee ay wada qabtaan labada dal.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeysay in ay jiri doonaan booqashooyin ay is weydaarsanayaan kooxaha ka shaqeeya arrimaha Aflaamta iyo ka qaybgalka xafladaha ee labada dal ay sameeyaan.

Sida ku cad heshiiskanย  is-afgaradka ah, dhinaca Masar waxay soo dhawaynaysaa marti-qaadka dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalka bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Qaahira, oo la qabto bisha January ee sannad kasta, iyo โ€œ Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Carruurta oo la qabto bisha June, sannad kasta iyo sidoo kale Bandhigga ย buugaagta Alexandria oo la qabto bisha August ee sannad kasta.

heshiiskaan waxayย  labada dhinac is dhaafsan doonaan toddobaadyo dhaqameed ay ku jiraan dhammaan howlaha dhaqanka ee labada waddan si ay u faafiyaan dhaqankooda.

Dr. Nevin Al-Kilani waxa ay sharraxday in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah, labada dhinac ay dhiirigelinayaan in suugaanta af-soomaaliga loo turjumo oo Carabi laga dhigo lana daabaco, iyadoo loo sii marinayo xarunta qaran ee turjumaada wasaaradda dhaqanka Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada tirsan Ururka jaamacadda Carabta ayaa leh xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, waxanay Qaahira safka hore kaga jirtaa waddamada dowladaha sida weyn u garab istaaga Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda beeraha oo soo bandhigtay buugaag ka hadlaya maalgashiga beeraha iyo hagaha Tacabka โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Ku-simaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, madax ka socotay Mashruuca GEEL iyo qubaro dhanka beeraha ah ayaa ka qeyb…

Wararka
October 1, 2020

Afar ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Kismaayo.(SONNA)...Howlgal qorsheeysan oo ay qaadeen ย ciidanka daraawiishta jubbaland ย ayaa lagu dilay maleehsiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah…

Wararka
January 9, 2020

Toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

Buulo-burte-(SONNA)-ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay si wada jir ah u…

GudahaWararka
May 29, 2025

Ra”iisul wasaaraha dalka oo amaanay mashaariicda horumarineed ee hay”adda Qatar Charity ay ka fulinayso dalka+sawirro

Baydhabo(SONNA) Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee waara, Qatar Charity waxay ka hirgelisay magaalada Baydhabo mashaariic kaladuwan oo loogu…

GudahaMuuqaalloWararkaWargayskaWaxbarashada
November 27, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023