Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daaโuud Aweys Jaamac ayaa hambalyo diirran oo ku aaddan xuska 21-ka Novembar u diray macallimiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa macallimiinta Soomaaliyeed ku boggaadiyay dhabar adeyga iyo geesinimadii ay muujiyeen Muddadii dalkeenu ku jiray Burburka.
Mudane, Aweys ayaa sheegay in muddadii uu dalku ku jiray burburka ay istaageen in badan oo ka mid ah adeegyadii bulshada balse macallimiintu ay u muujiyeen dhabar adayg iyo geesinimo, iyagoo u guntaday in ay shacabka ka kaafiyaan dhanka waxbarshada.
Wasiirka ayaa sheegay in ay macallimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan dedaalladii ay u bixiyeen in ay wax bartaan ubadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo lagu jiro.
21-ka Novembar ayaa ah maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxaan maantoo kale si weyn looga xusaa dalka Soomaaliya.