Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa diray fariin ku aaddan maalinta warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.

Maanta waxay ku astaysan tahay xuska guul taariikhi ah oo umaddeena u soo hoyatey muddo ahaan laga joogo 52 sanno kana tarjumeysa muhimadda xaqiijinta warbaahin bulshada u adeegta iyo xoojinta hiddaha iyo dhaqanka aan leenahay oo luuqaddu ugu horeyso.

Munaasabadan qaaliga ah ee maalinta warbaahinta Soomaaliyeed, waxa aan u dabaaldageyno ma ahan oo keliya horumarka ballaaran ee warbaahinteenu sameysay, balse waxaa iyana ku hoos jirta maalin aan la ilaabi karin oo taariikhi ah, taas oo ah daah-furka wargeyskii ugu horreeyay ee ku qoran afkeenna Soomaaliga oo udub dhexaad u ah jiritaankeena ummadnimo.

Taariikhdan mugga weyn leh, waxay astaan u tahay sida ay inooga go’an tahay ilaalinta aqoonsigeena, hiddaha, dhaqanka iyo sheekooyinka hodanka ah ee qeexaya sawir cadna ka bixinaya dhaxalka ma guuraanka ah ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.

Af-soomaaligu ma ahan oo keliya mid aan xiriirkeena ku adkeyno, balse waa doon weyn oo ay ku raran yihiin sheekooyinkeena, taariikhdeena, halgankeena, iyo himiladeena.

In Wargeyskii ugu horeeyay lagu qoro Af Soomaali muddo haatan laga joogo nus qarni, waxay noqotey tallaabo loo aayay oo suurageliyay codka bulshadeena la maqlo, sheekooyinka iyo taariikhda aan leenahayna lagu sheego afkeenna hooyo.

Waxaan bogaadinayaa saxafiyiinta, tifaftirayaasha, iyo cid kasta oo weli meesha kasii wadda hawshan mudddada dheer soo socotey.

Waxaa dhammaanteen waajib uu inaga saaranyahay inaan sii casriyayno shaqadan muhiimka ah, kuna soo darno qeybo adkeynaya midnimadeena, is-dhexgalka bulsho iyo reebista dhaxal mustaqbalka u horseedi doona jiilasha soo socda inay dareemaan in looga tegay taariikh mudan in mar walba la ilaaliyo, si gaar ahna loo qiimeeyo.

Inagoo haddaba u dabaaldegayna xuskan weyn, , ayaan haddana waxaan caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta mabaadi’ida xoroyadda hadalka iyo fikirka, iyo welliba xaqiijinta helista xogta ee shacabka ay xaqa u leeyihiin.

In la helo warbaahin tayadeedu sareyso oo bulshada waxa san u bidhaamineysa, xumaantana uga digta, ayaa waxay sal u tahay hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed oo isla xisaabtan ku dheehan.

Waxaan mar kale leeyahay hambalyo bahda saxaafadda, isla markaana ugu baaqayaa dhamaan bahda saxaafadda in ay xaqiijiyaan jiritaanka warbaahin tayadeedu sareyso, oo xambaarsan anshaxa iyo xirfadda saxda ah ee mihnaddan ay mudan tahay, iyagoo maanka ku haya inay indho u yihiin bulsho u ooman xog sax ah oo wax dhisaysa.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka banbaxa Maamulka gobolka Banaadir oo la soo gaba-gabeeyey

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabangabeeyay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo socday 10-14 ka Janaayo 2023,…

GudahaWararka
January 14, 2023

Madaxwaynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo Matabaan laga hirgaliyey

Matabaan (SONNA): In ka badan 20-mashruuc oo kala duwan ayuu galabta xariga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi…

GudahaWararka
May 29, 2024

Madaxweyne Xasan: Dowladdan ajandaheeda koowaad waa in dalka laga xoreeyo khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka dhanka…

GudahaWararka
August 18, 2024

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay sargaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Muqdishu-(SONNA)- Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe waxaa ay ku dileen sarkaalkiil Al-shabaab…

Wararka
November 9, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023