Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta oo dalka Baxrayn uga qaybgalay meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta Jaamacadda Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta oo dalka Baxrayn uga qaybgalay meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta Jaamacadda Carabta
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta oo dalka Baxrayn uga qaybgalay meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta Jaamacadda Carabta

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 29, 2024
2 Min Read
Share

Manama (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxrayn uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daua’uud Aweys ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain oo martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta mudane Daua’uud Aweys ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Booliska oo ciidamo geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubta ka joogeen Waddada Maxkamadaha hor-marta “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hor-marta kawaanka…

GudahaWararka
June 4, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah…

GudahaWararka
October 27, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daah-furay kulan wadatashiga,Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray kulan ay…

GudahaWararka
February 4, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Asad Xaajiyow oo dhibane u ah argagixisada 

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure…

GudahaWararka
February 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023