Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
    Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo Munaasabad kaga qeyb galay K/Afrika
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta

By Abdulkadir
Last updated: July 14, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kadib waxay booqdeen Xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaalada, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa sii diiran u soo dhoweeyay Hoballada Qaranka ee Waaberi, oo uu horkacayay Maareeye Ku-Xigeenka ahna Ku-Simaha Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Qaranka Mudane Maki Xaaji Banaadir.

Booqashada Xarunta Tiyaatarka ayaa la xiriirtay qorshe la doonayo in dib u habeen casri ah lagu sameeyo xaruntan oo udub dhexaad u ah horumarinta suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen, iyo ciyaaro dhaqameed.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee Shiinaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirku waxa uu xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii. Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta.”

‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray’’ ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo China oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee labada Madaxweyne ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Wasiirka waxa kulanka iyo booqashada ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Mudane Maxamedkafi Sheekh Abukar.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa laga filan karaa kulanka Qaramada Midoobey ee ka furmaya New York?

In ka badan 140 hoggaamiye iyo wakiillo dawladeed oo ka kala socda caalamka ay ku qulqulaya Magaalada New York ee…

Caalamka
September 18, 2023

Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray…

MaqaalladaWararka
February 20, 2023

R/Wasaare Khayre oo booqday Isbitaalka Erdoğan EX -Digfeer

Muqdisho.(SONNA)...Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawacyada weerarkii Argagaxiso ee lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo…

Wararka
January 20, 2020

Madaxweyne Lafta-gareen oo tababar u soo xiray Askar si gaar ah u tababaran.

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Tababar usoo Xiray Dufcadii Shanaad oo ka…

GudahaWararka
January 25, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023