Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Jabuuti.
Wafdiga ka socda Dowladda Jabuuti ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Dhalinyarada hiddaha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo ay wehlinayaan, Agaasimaha wadamada Carabta ee dowladda Jabuuti Maxamed Ducaale iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti.
Marwo Hibo Muumin Casawe iyo wafdigeeda ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo saacadaha nagu soo aadan ku soo wajahan magaalada Muqdisho.