Tripoli-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Tripoli, ayaa maanta la kulmey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Libya Mudane Hussein Atiya Abdulhafid Al Qatrani.
Wasiirka ayaa Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Libya u gudbiyay salaan uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, kadibna uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka dhanka siyaasadda, dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.
Waxaa kale oo kulankaasi ay labada dhinac kaga wada hadleen xiriirka labada dal, barnaamijka wax loogu qabanayo muhaajiriinta Soomaaliya ee ku nool Libya ee doonaya in dib dalkooda loogu celiyo iyo arrimaha kale ee labada dal ay iska kaashan karaan.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Libya Mudane Al Qatrani ayaa ka mahad celiyay booqashada Wasiirka Warfaafinta uu ku joogo Libya, isagoo intaa ku darey in Libya ay diyaar u tahay sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
.