Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Kooxda degmada Howlwadaag oo ku guulaysatay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir
    November 6, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ku sugan Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho
    November 6, 2025
    Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore Cisbitaalka Xoogga iyo Agaasimaha cusub
    November 6, 2025
    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda
    November 6, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Guddiga joogtada
    November 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

By Axmed
Last updated: November 6, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aways Jaamac, ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure, Maareeye Ku-Xigeenka Tiyaatarka, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Cumar Muqtaar, Agaasimaha SNTV Maxamedkaafi Abuukar Maxamed, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifatah Daahir Jayte.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay intii lagu guda jiray munaasabaddii xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ammaanay fannaaniinta Qaranka ee kooxda Waaberi iyo qaybaha kale ee bahda fanka bandhigyadii ay ku muujiyeen shirkii Carta iyo Munaasabadii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirku tilmaamay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay ba ay muujiyeen dadaal muuqda oo lagu xusuusan doono intii lagu guda jiray xuska shirkii Carta.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa ku booriyay qeybaha fanka iyo warbaahinta inay sii laban laabaan dadaalkooda, ayna door muuqda ka qaataan hawlaha qaran ee ay ka mid yihiin dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta, doorashooyinka iyo hannaanka dowlad dhiska dalka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta, oo ahaa aasaaska dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Kooxda degmada Howlwadaag oo ku guulaysatay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhex martay kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo…

November 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

Bako, (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay'adda Global Center for Climate…

GudahaWararka
November 14, 2024

Ciidanka Qaranka oo 11 Khawaarij ah ku dilay duleedka Balcad

Balcad(SONNA):-Ciidanka Qaranka ayaa saaka subaxdii hore fashiliyey weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu isku dayeen in ay ku soo qaadaan…

GudahaWararka
April 6, 2024

Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan hawlgallada ciidan ee Daanta Galbeed

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Israel ay…

Caalamka
August 29, 2024

Xildhibaan Maxamed Cajiib oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay doorashada guddoonka…

GudahaWararka
August 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023