Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo uu wehliyo Wasiiru dawlaha wasaaradda Mudane Yusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay ku simahaย Agaasimaha Guud mudane Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan Isaaq ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaradda, Agaasime waaxeedyaha, Lataliya yaasha, Shaqaalaha Wasaarada shaqada iyoย marti sharaf ka socota hayโadaha dawladda.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay agaasimaha guud sidoo kale u mahad celiyay ku simaha agaasimaha guud iyo agaasimeย waaxeed yadaย wasaaradda hawlihii ay qabteen mudadii uu hayay xilka ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda.
Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaaradda, Xil Yuusuf Maxamed Aadan oo isna hadal kooban ka jeediyay ayaa agaasimaha cusub iyo agaasimaha waaxeedyada wasaaradda ku booriyey howlaha horyaala wasaaradda in ay wadashaqeyn guud ka yeeshaan iskuna garab siiyaan hawlaha wasaradda.
Mudaneย Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadaย ayaa Dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo Xafladda Xil-wareejinta. Waxaana ย uu ka waramay hanaanka shaqo uu la yeelan doono dhammaan masuuliyiinta wasaarada iyo shaqaalaha in ay noqon doonto mid daah furan oo ku dhisan wada tashi.
Ugu dambayntii, Wasiir Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horreeyaan tayeynta shaqaalaha dawladda, u adeegidda arrimaha bulshada, shaqo abuurka iyo suuqa shaqada iyo kor u qadidda barnaamijyada horumarinta farsamada iyo tababarada xirfadeed TVET) iyo Siyaasadaha iyo Shuruucda shaqada oo meel wanaagsan mareysa. Wuxuu si rasmi ah u amray in lala shaqeeyo Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.