Geneva-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS , Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 111-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Shaqada (International Labour Conference), kaas oo ka furmay magaalda Geneva ee dalka Switzerland.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta caddaalada bulshada (Social Justice) oo ah arrin udub dhexaad u ah dhismaha bulsho horumarsan oo nabad iyo barwaaqo sooran ku-naaloota.
Wasiirka ayaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland , Ebyan Maxamed Saalax ย uga mahad celiyay soo dhawaynta diirran ee ay u samaysay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa shirka ka rajeeyay in uu noqdo mid mira dhala, kaas oo Soomaaliya usoo kordhiya guul iyo faaโiido badan oo ku saabsan horumarinta siyaasadaha iyo barnaamijyada shaqada iyo xirfadaha, ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha iyo ilaalinta qybaha nugul ee bulshada.