Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย Mudane Sadik Warfa ayaa maanta booqday isbitaalka Martini oo loo asteeyay in lagu daweeyo bukaanada uu soo rito fayruska faafa ee Covid -19.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sida ugu habboon, uguna dhaqsaha badan ee loo xakameeyo cudurka Covid-19 , wuxuuna ku dhiirrigaliyay Shaqada ay qaranka iyo Bulshada u hayaan howlwadeennada Caafimaadka.
โShaqaalaha Rayidka ee Dowladda waxay xoojinayaan doorkooda la dagaallanka Covid-19 . Maanta waxaa idin ku soo biiray darawalo ku biiraya howlaha 24 saac ka socda isbitaalka, oo ka xeyn doonaa gaadiidka gurmadka deg dega ah.โ ayuu yiri Wasiir Sadiq Xirsi Warfa.