Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa maanta gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Ujeeddada socdaalka ayaa qeyb ka ah kormeer uu Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sameynayaan deegaannada ay ka socdaan mashaariicda taageerraya qoysaska nugul iyo kuwa saameynta uu gaarsiiyay Ayaxa.
โWaxay ii tahay arrin muhiim ah imaatinkeyga Galdogob, socdaalkan wuxuu qeyb ka yahay socdaal aan ku soo marey deegaanno ka tirsan Puntlandโ ayuu yiri Wasiir Duraan oo dulleedka magaalada kula hadlay masโuuliyiinta Degmada iyo qeybaha bulshada oo halkaa ku soo dhaweeyay.
โWaxaan kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doonaa mashaariicda Baxnaano ee ka socda degmada oo lagu taageerayo Qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameynta u geystay.โ ayuu ku daray isagoo u mahadceliyay masโuuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada ee sida ballaaran u soo dhaweeyay.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo masโuuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa kalo uu xaqiijiyay inay tagi doonaan wafdiga uu hoggaaminayo goobaha muhiimka ah ee u adeegga bulshada.
Degmada Galdogob oo ah deegaan Xoolo-dhaqato iyo beeralay ay ku noolyihiin ayaa ka faaโiideysanaya barnaamijka Baxnaano, gaar ahaanna mashaariicda taageeraya bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.