Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 30, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), Abril 30, 2020 -Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa shaqaallaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May oo ku aaddan Jimcaha berri ah.

“Waxaan aad uga xunnahay in Sannadkan 2020 aysan suurtogal inoo ahayn inaan isku soo baxyo iyo kulamo isugu nimaano aan ku waynaynayo maalintaas qiimaha badan u leh shaqaalaha Soomaaliyeed sababo la xiriira Caabuqa COVID-19, Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta, Waa maalin ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, waana mid lagu dhiirri-gelinayo looguna sheegayo in baahiyahooda iyo xuquuqdoodaba lagu dadaalayo in la daboolo.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Waa u muhiim shaqaalaha Soomaaliyeed inaan ammaano hawlkar-nimadooda iyo waxtarkooda bulshada Soomaaliyeed. Waan la wada soconaa duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan, waxaana Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u guntatay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.

Mudane Sadiiq Warfaa,  ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha, isagoo caddeeyay in dowladda ay ku guulaysatay joogtaynta mushaaraadka Shaqaalaha dawladda, kuwaasoo si hufan u guta hawl- maalmeedkooda. Waxaa kalo uu xaqiijiyay Fayruuska COVID-19 ee dunidda sida aadka u daran u saameeyay inuu dalka ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo bulsho, iyadoo faafiddiisuna weli sii socoto.

“Guud ahaan cudurkani COVID-19 wuxuu saamayn daran ku yeeshay suuqyada shaqada, iyadoo shaqo la’aanta, oo awalba aad u darnayd, uu haddana uga sii daray.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaal lagu caawinayo dadka aad u nugul ee uu saameeyay caabuqa COVID-19, sidoo kalena lagu xoojiyo u adkaysiga bulshadeena ee saamaynta cudurkan.

Waxay sidoo kale Dawladdu diyaarisay qorshayaal dib loogu horumarinayo dhaqaalaha dalka kaddib Caabuqa COVID-19, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, laguna taageerayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu raaciyay.

Gabagabadii, wasiirka ayaa ugu baaqay loo shaqeeyaasha inay dhowraan xaquuqda shaqaalaha gaarka ah, xilligan adag ee lagu jiro. Isagoo sidoo kale dhammaan bulshada Soomaaliya usoo jeediyay inay caawiyaan kuwa nugul si wadajir loogu guuleysto fayruska Covid-19.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga XFS oo ka qeybgaley daah-furka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ka qeybgalay furitaanka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya…

GudahaSawirroSiyaasaddaWararka
May 11, 2023

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo kormeer ku tagay xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee…

GudahaWararka
January 9, 2023

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Muqdisho, (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka…

GudahaWararka
February 22, 2024

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ku bogaadiyay Ciidamada xoogga guulaha ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha muhiimka ah ee ay…

GudahaWararka
April 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023