Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo ka hirgelisay xarunta barbaarinta agoonta Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed, si carruurta agoonta ahi ugu ciyaaraan.
Dhame Xaliimo Saciyo Yuusuf Cabdulle, taliyaha xarunta barbaarinta agoonta Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed, oo ka hadashay munaasabadda xarig-jarka, ayaa uga mahadcelisay Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi sida ay mar walba u garab taagan tahay carruurta agoonta ah, gaar ahaan kuwa ka tirsan Ciidammada Booliiska. Waxay sheegtay in tallaabadani ay wax weyn ugu fadhido carruurta.
Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hadal kooban ka jeedisay madasha, ayaa tilmaantay in ay waajib tahay in la garab istaago carruurta agoonta ah islamarkaana mar walba laga farxiyo. Waxay si gaar ah u xustay carruurta ay waalidiintoodu naftooda u hureen qarankooda, kuwaas oo ka tirsanaa guud ahaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyadoo carrabka ku adkaysay in dhiiggooda iyo dadaalkooda nabadda maanta aan haysano ay sabab u tahay.
