Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Danjire Joachim Waern .
Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburrada Wasaaradda waxaana diiradda lagu saaray sidii loo laba jibaari lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Dowladda Sweden ayadoo la iska kaashanayo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ka goโan tahay ka qeybgelinta dumarka ee arrimaha Bulshada ayadoo la iska kaashanayo sidii dumarka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen hormarinta kaabayaasha Bulshada.