Muqdisho (SONNA) Wasiirka Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Galabta Garoonka ku soo dhoweeyay Wafuud ay hogaamineyso Ahlam Madani Mahdi, Wasiirka Maalgashiga & Iskaashiga Caalamiga ah ee Sudan.
Soo dhoweynta wafuuda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Madaxa Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, Agaasimaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ka hadlay soo dhoweynta wafuudda ayaa in labada dal ay wadaagaan xiriir ku qotoma maalgashiga iyo Ganacsiga.
Ahlam Madani Mahdi, Wasiirka Maalgashiga & Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa ka mahadcelisay soo dhoweynta waxaana ay hoosta ka xariiqday istaraatijiyadda cilaaqaadka iyo Maalgashiga labada dhinac.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaaradda Ganacsiga XFS ayaa casuumaad u fidiyay wafuudda Suudaan si ay uga qeyb galaan shirweynaha labo geesoodka ah ee Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan kaasi oo maalinta 19-ka March oo berri ku Beegan ka furmaya Magaalada Muqdisho.