Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay weheliso agaasimaha waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee wasaaradda Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa maanta qaabilay wefdi ka socda Hey’adda Socdaalka iyo Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayey Mudane Maxamed Abdiker oo ah u qaabilsanaha Hey’adda Bariga iyo Geeska Afrika. Kulanka ayaa looga hadlay istaraatijiyada cusub ee IOM, xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya wasaarada iyo hey’adda IOM , iyada oo diirada la saarayo ka shaqeynta dhinacyada nabad-dhisidda, yaraynta faqriga iyo sidii xal waara loogu heli laha arrimaha barakacayaasha.