Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa xaflad casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay u sameeyay wafdi ka socday dowladda Suudaan oo ay hoggaaminaysay, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaas, Axlaam Mahdi, oo maalmahan magaalada Muqdisho u joogtay ka qaybgalka Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan, oo shalay la soo gaba gabeeyay.
Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay wafdiga reer Suudaan ka soo qeybgalkooda Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo ballan qaaday in ay booqan doonaan Suudaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Suudaan, Axlaam Mahdi, ayaa Dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda uga mahadcelisay soo dhaweynta walaaltinimo ee loo fidiyay iyada iyo wafdigeeda.
Suudaan iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi, iyadoo Suudaan ay tahay waddanka ugu badan ee ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed.