Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika
GudahaWararka

Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: March 27, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud  Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa inta badan diiradda lagu saarayay Dhamaystirka Warbixinta Istaraatiijiyadda Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya 2022-2024.

Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday gogol-dhigga Qorshaha Cusub ee Istaraatiijiyadda Dalka 2025-2029, kaas oo la jaan-qaadaya mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo Qorshaha Casriyaynta Dowladnimada ee Xukuumadda Dan-Qaran si loo helo horumar waara iyo barwaaqo. Istiraatijiyadda dalka ayaa taabanaysa dhinacyo kala duwan sida horumarinta dhaqaalaha, xasilloonida, iyo horumar joogta ah.

Wasiir Beenebeene ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida hagar la’aanta ah ee uu Bangigu ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale qiray dadaalka bankiga uu ugu jiro horumarinta kobaca dhaqaalaha dalka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hiigsiga fog ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid isfaham iyo miro dhal kusoo dhamaaday, waxaana labada dhinac ay isku aragti ka ahaayeen mustaqbalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ugu danbayntii kulan heer farsamo ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda QMHDH, Mudane Maxamed Shire iyo qaar ka mida Agaasimayaasha Waaaxaha waxa ayna si mug leh u eegeen natiijooyinkii warbixinta oo ay ku jireen falanqayn lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha iyo casharrada laga bartay hirgelinta istiraatijiyadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MUNAASABADDA XUSKA SYL KU MAAMUUSAY DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

Muqdisho,(SONNA)May 16, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah…

Gudaha
May 15, 2021

Duqeyn lagu dilay Horjogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta oo ka dhacday koonfurta Mudug

Muqdisho(SONNA);-Howlgal gaar ah oo saaka Ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa…

GudahaWararka
December 23, 2023

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka hadlay howl-gallada ka socda Dalka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa sharaxaad ka bixiyay howl-gallada ay Ciidanka qalabka sida ka…

Wararka
March 13, 2020

Qof naftii hallige ah oo isku qarxiyey maqaaxi ku taal degmada wadajir

Muqdisho-(SONNA)-4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 14 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof xiran jaakadda Qaraxa uu isku dhex…

GudahaWararka
January 18, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023