Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
GudahaWararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 2, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP/NTP), iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo qaab-dhismeedka deeqaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kaalinta ay Midowga Yurub ku leedahay taageerada deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay in qaab-dhismeedka deeqaha ee hadda jira uu yahay mid fure u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in deeqaha iyo taageerada Midowga Yurub si habsami leh loogu isticmaalo mashaariicda wax ku oolka ah ee wax ka beddeli kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sameeyo habab cusub oo lagu kormeero laguna qiimeeyo saameynta deeqaha, si loo hubiyo in ay gaaraan yoolalka loogu talo galay.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la sii wado iskaashiga istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo Soomaaliya gaarta, iyadoo la isku halleynayo taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee deeqaha lagu maalgeliyo, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaad ka ogtahay deegaanada ay ku kala xayiran yihiin horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab?. Warbixin.

Muqdisho-(SONNA)-Wixii ka dambeeyay markii Khawaarijta lagala wareegay in ka badan 50 magaalo oo ka tirsan Gobollada dalka, waxaa Khawaarijta soo…

MaqaalladaWararka
January 7, 2023

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo tegay Awdheegle oo laga xoreeyay Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee…

GudahaWararka
October 11, 2025

Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo galay maalintii labaad

Muqdisho, (SONNA): Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo…

GudahaWararka
November 7, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Safiirka…

Gudaha
April 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023