Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray xarumaha Canshuuraha qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray xarumaha Canshuuraha qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir+sawirro
Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray xarumaha Canshuuraha qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 8, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), 08 December 2019 –   Waxaa maanta la daah-furay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

Xarumahaan oo dhawaan si casri ah loo dhisay oo laguu tallagalay hawlaha canshuur aruurinta ayaa waxaa si ramsi ah xarigga uga jaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay munaasabadda xariga looga jaray Seddexdaan xarumood ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu xarigga ka jaro xafiisyada canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir ee Hawl wadaag, Hodan iyo Wadajir.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ilaa 5 xarumood oo canshuur ah lagu dhisayo wajiga Koowaad, kuwaas oo qaarkood maanta la furay halka kuwa kalana dhismahooda uu gabo-gabo yahay.

“ Maanta labo xarumood ayaan xariga ka jarnay,  Shantaan xarumood waxaa wehliya machad loogu tala galay in lagu barto canshuuraha, maamul wanaaga iyo maamulka Maaliyadeed oo aan isna dhawaan xariga ka jari doono”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha lagu dhisay xarumaha maanta xariga laga jaray iyo kuwa dhismuhu ku socdo uu bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development Bank), sidoo kalana Wasiirku waxa uu xusay in Bangigu balan qaaday in
ay kuwa kalena lacagtooda keeni doonaan si dowladda uga caawiyaan dhismahooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo isna muunasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in maanta xarigga laga jaro xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Gobolka Banaadir burburkii kaddib.

“ Dhab ahaan kaabayaashii dowladda oo dib u soo noolaanaaya waxa ay natusinaysaa soo noolaasho buuxda oo xaga dowladnimada ah. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda si gaar ah ayaan uga mahadcelinayaa dadadaalka iyo dardarta ay wadaan oo ay dib ugu soo noolaynayaan kaalinta uga aadan
qaranimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xurumahan  oo gaaraya ilaa 7 xarumood oo loogu talagalay casnhuuraha ayaa waxaa bixiyey Bangiga Hormarinta Afrika (Africa Development Bank) oo Dowladda Soomaaliya ka cawinaya sidii loo xoojin lahaa, ilaha dhaqaalaha dalka iyo aqoonta howlwadeenada ka shaqeeya.

Ugu danbeyn Wasiirka maaliyaddu waxa uu xusay in xariga ay ka jari doonaan xaruntii turuba-taariyada ( hoggaanka illaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha) oo iyaduna ku burburtay qaraxyo dhowrjeer ka ag ka dhacay.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka

Muqdisho(SONNA);-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay Guddi ka…

GudahaWararka
May 26, 2025

Madaxweynaha Jubbaland oo shirguddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada ee maamulkaas

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay…

GudahaWararka
February 8, 2024

Azerbaijan :Wasiiru-dawlaha Shaqada XFS oo saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku…

Gudaha
November 24, 2023

Shirweynaha Dhiirrigelinta ee Wax-soo-saarka Dalka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNNA):-Waxaa Maanta Magaalada muqdisho ka furmay Shirweynaha Dhiirrigelinta Wax-soo-saarka Dalka taas oo ay soo qaban-qaabisay shirkada Isgaarsiinta Hormuud. Shirkaan waxaa…

GudahaWararka
October 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023