Nairobi-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maareynta Maaliyadda,Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo taageerada hayโadaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibbada la ahย dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hayโahada dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiirro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.