Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka
    August 14, 2025
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Wararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 22, 2020
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee FGC oo markii ugu horesay loo qabtay habka online ah, iyadoo ay jirto caqabadaha xanuun ka COVID-19.

Kulanka ayaa looga ka dooday sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha, iyadoo lagu guda jiro xiligaan adag ee Adduunka oo dhan uu saameeyay Coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay ka goโ€™antahay hagaajinta hannaanka Dowlad-Wanaaga.

HALKAN KA AKHRISO KHUDBADII UU SHIRKA KA JEEDIYAY

Khudbada Mudane. Dr. Abdirahman D. Beileh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliyaย 

Shirka Agaasimaha Guud ee IMF, Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyeyaasha Bangiga Dhexe ee dalalka MENAP

Ka hortaga safmareenka Covid-19 ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya: U kuurgalida Dhaqaalaha Gobolka

Marwo, Kristalina Georgieva, Agaasimaha Guud, ee IMF, Guddoomiyeyaasha Bangiga sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faaโ€™iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Heyโ€™adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras.

Waxaan sidoo kale doonayaa in aan u mahadceliyo anniga ooย  adiga kuu sii marinaya dhammaan dalalka qaybta ka ah Sanduuqa Lacagta ee sida wanaagsan uga jawaabay baaqeennii deyn cafinta, iyada oo dhammaan Heyโ€™addaha Maaliyadda dunida oo ay IMF ku jirtoย  iyaga oo lacagtooda adeegsanaya Soomaaliya siiyeen fursad ay horay ugu socon karto kaddib geedi socod dheer oo guul ku dhammaaday kaas oo ay dusha ka hageysay nidaamka la socodka shaqaalaha ee Heyโ€™adda IMF (Staff Monitoring Program).

Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladdaย  Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Heyโ€™adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  • Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.
  • Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.
  • Shaqo laโ€™aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.
  • Lacagta xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo laโ€™aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.

Arrinta xawilaadaha iyo soo dirista lacagta dibadaha ee Soomaaliya waxaa mar kale sii adkeeyay jiritaan laโ€™aanta ah in uusan jirin nidaam bangi oo wakiilo dibbada uga ah xawilaadaha Soomaalida oo u fududeeyo kala gudbinta lacagahooda ganacsiga ee dibadda iyo gudaha Soomaaliya (Correspondent Banking). Waqtigaan oo duulimaadyaadii dunida la xadiday, dhaqdhaqaaqiina uu yaryahay way ku adag tahay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida iyo ganacsadatadaba in ay dhaqaalahooda socod siiyaan si ay u maalgaliyaan hawlaha muhiimka u ah dhaqaalaha calaamka . Tani waxay dhaawaceysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ku cad waxyaabaha aan soo sheegay cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag. Sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaa se naga go`an in aa sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamiga ah iyo Heyโ€™adaha Maaliyadeed ee dunida si aan u xaqiijinoย  dhimistaย  saameeynta waxyeello ee cudurka Corona, innaga oo qorsheynayna mustaqbal kawanaagsan iyo deganaasho ka badan midkaan.

Sidaas darteed, waxaan si dhow u la shaqeyneynaa hawlwadeenada IMF ee Soomaaliya si loo soo afjaro saameynta guud ee cudurka Corona uu ku yeeshay Miisaaniyadda sannadka 2020-2021. Taasi waxay si sax in noogu sheegi doontaa halka aan taaganahay dhaqaale ahaan iyo waxa aan u baahanahay si aan horay ugu soconno.

Marwo Maamulaha Guud, Kristalina Georgieva, ee IMF, waxaan mar labaad, kaaga mahadcelinayaa taageeradaada joogtada ah iyo waliba hoggaamintaada dhiirran xilligaan lagu jiro waqtiga adag.Waa hubanti, in aan kuu ognahay dadaalkaaga, waana ku garab taaganahay.

Waa mahadsan tihiin.

DHAMMAAD

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho:(SONNA)-Waxaa saakay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi ka dhacay qarax miino oo dad badan…

WararkaWargayska
May 31, 2020

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis…

GudahaWararka
May 31, 2023

Dadweynaha Soomaaliyeed oo si toos ah Su’aalo u waydiin doona Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Dr Xasan Sheekg Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb gelaya Barnaamujka Kulan dadweyne oo…

GudahaWararka
May 1, 2023

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday goโ€™aanka kiiska Sayid-Cali Macalin Daaโ€™uud iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda…

GudahaWararka
May 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023