Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay
Wararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah, khudbadna ka jeediyay

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 22, 2020
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee FGC oo markii ugu horesay loo qabtay habka online ah, iyadoo ay jirto caqabadaha xanuun ka COVID-19.

Kulanka ayaa looga ka dooday sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha, iyadoo lagu guda jiro xiligaan adag ee Adduunka oo dhan uu saameeyay Coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay ka go’antahay hagaajinta hannaanka Dowlad-Wanaaga.

HALKAN KA AKHRISO KHUDBADII UU SHIRKA KA JEEDIYAY

Khudbada Mudane. Dr. Abdirahman D. Beileh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Shirka Agaasimaha Guud ee IMF, Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyeyaasha Bangiga Dhexe ee dalalka MENAP

Ka hortaga safmareenka Covid-19 ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya: U kuurgalida Dhaqaalaha Gobolka

Marwo, Kristalina Georgieva, Agaasimaha Guud, ee IMF, Guddoomiyeyaasha Bangiga sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faa’iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Hey’adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras.

Waxaan sidoo kale doonayaa in aan u mahadceliyo anniga oo  adiga kuu sii marinaya dhammaan dalalka qaybta ka ah Sanduuqa Lacagta ee sida wanaagsan uga jawaabay baaqeennii deyn cafinta, iyada oo dhammaan Hey’addaha Maaliyadda dunida oo ay IMF ku jirto  iyaga oo lacagtooda adeegsanaya Soomaaliya siiyeen fursad ay horay ugu socon karto kaddib geedi socod dheer oo guul ku dhammaaday kaas oo ay dusha ka hageysay nidaamka la socodka shaqaalaha ee Hey’adda IMF (Staff Monitoring Program).

Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  • Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.
  • Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.
  • Shaqo la’aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.
  • Lacagta xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo la’aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.

Arrinta xawilaadaha iyo soo dirista lacagta dibadaha ee Soomaaliya waxaa mar kale sii adkeeyay jiritaan la’aanta ah in uusan jirin nidaam bangi oo wakiilo dibbada uga ah xawilaadaha Soomaalida oo u fududeeyo kala gudbinta lacagahooda ganacsiga ee dibadda iyo gudaha Soomaaliya (Correspondent Banking). Waqtigaan oo duulimaadyaadii dunida la xadiday, dhaqdhaqaaqiina uu yaryahay way ku adag tahay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida iyo ganacsadatadaba in ay dhaqaalahooda socod siiyaan si ay u maalgaliyaan hawlaha muhiimka u ah dhaqaalaha calaamka . Tani waxay dhaawaceysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ku cad waxyaabaha aan soo sheegay cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag. Sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaa se naga go`an in aa sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamiga ah iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida si aan u xaqiijino  dhimista  saameeynta waxyeello ee cudurka Corona, innaga oo qorsheynayna mustaqbal kawanaagsan iyo deganaasho ka badan midkaan.

Sidaas darteed, waxaan si dhow u la shaqeyneynaa hawlwadeenada IMF ee Soomaaliya si loo soo afjaro saameynta guud ee cudurka Corona uu ku yeeshay Miisaaniyadda sannadka 2020-2021. Taasi waxay si sax in noogu sheegi doontaa halka aan taaganahay dhaqaale ahaan iyo waxa aan u baahanahay si aan horay ugu soconno.

Marwo Maamulaha Guud, Kristalina Georgieva, ee IMF, waxaan mar labaad, kaaga mahadcelinayaa taageeradaada joogtada ah iyo waliba hoggaamintaada dhiirran xilligaan lagu jiro waqtiga adag.Waa hubanti, in aan kuu ognahay dadaalkaaga, waana ku garab taaganahay.

Waa mahadsan tihiin.

DHAMMAAD

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Guddiga Qurbajoogta…

GudahaWararka
August 5, 2025

IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka…

GudahaWararka
May 20, 2023

Mareykanka:Dhakhaatiirta Soomaalida oo ku baaqday in la qaato tallaalka cusub ee Covid 19

Ololaha tallaalka cusub ee ka hortagga xanuunka Covid 19 ayaa si rasmi ah uga bilowday deegaanada uu ka kooban yahay…

Wararka
December 17, 2020

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda…

GudahaWararka
October 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023