Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF
    October 14, 2025
    Soomaaliya oo diyaarinaysa Xildhibaanadii ku matali lahaa Baarlamanka EAC
    October 14, 2025
    Wasiir dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub
    October 14, 2025
    Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Shabeellada hoose
    October 14, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar
    October 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF
GudahaWararka

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 14, 2025
2 Min Read
Share

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington D.C., halkaas oo lagu qabanayo shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Ka hor furitaanka kulamada guud, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee IMF mudane Nigel Clarke. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac ee ku dhisan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka. IMF ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo mashaariicda mustaqbalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif, iyo madax kale oo ka tirsan hay’addaas. Kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee mustaqbalka dhow, iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha deymaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo…

October 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday carruur lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Xoghayaha Xafiiska ka hortagga Askareynta Carruurta iyo ka hortagga Xad-gudubyada ee Wasaaaradda Gaashaandhigga Mursal Buulle oo ay Wehliyaan Wasiir…

GudahaWararka
April 21, 2021

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray xarunta dhexe ee Xukuumadda oo dib loo dhisayo+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Maanta kormeer ku tagay dhismaha Guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo…

Wararka
February 19, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay Dood Cilmiyeed ku saabsan kala korinta Ilamaha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA, ayaa qabatay Dood Cilmiyeed looga hadlayo kala korinta Ilamaha iyo…

GudahaWararka
November 18, 2021

Wasiirka Qoyska iyo horumarinta Xuquuqul insaanka DF oo kulan xog-wareysi ah la yeelatay wasiiradii hore ee wasaaradda

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wadatashi ah…

GudahaWararka
April 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023