Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
    March 10, 2026
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hayโ€™adda WFP
    March 9, 2026
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Maaliyadda oo shir guddoomiyay kulanka Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Maaliyadda oo shir guddoomiyay kulanka Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir
GudahaWararka

Wasiirka Maaliyadda oo shir guddoomiyay kulanka Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

By Abdulkadir
Last updated: February 15, 2026
1 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ay weheliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka, iyo dardargelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Shirka waxaa si gaar ah looga doodayaa horumarinta nidaamka wadaagga kheyraadka, mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo xaqiijiyo maamul maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana waara.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku muujiyay muhiimadda ay kulamadan u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dhisidda kalsoonida iyo wadajirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda. Wuxuu xusay in mideynta dakhliga iyo wadaagga kheyraadka ay laf-dhabar u yihiin kobaca dhaqaale iyo xaqiijinta adeegyo bulsho oo tayo leh.

Waxaa la filayaa in kulanka laga soo saaro goโ€™aanno iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed, si loo adkeeyo horumarka

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SONNA): Degmadaย Buulo burdeย ย oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan…

March 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)- Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Mudane,…

WararkaWargayska
February 15, 2021

Wasaaradda gaashaandhigga iyo hay’adda SoDMA oo iska kaashanaya gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdinuur Daahir Fiidow oo ay wehliyaan Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta waxa ay booqasho…

GudahaWararka
November 21, 2023

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay khuburo sharci oo Sudan ka socda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macalin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Axmed Ismaaciil…

GudahaWararka
September 17, 2024

Madaxweynaha Ukrine oo helay $128mn xilli uu booqday Mareykanka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay…

Caalamka
September 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023