MUQDISHO-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa Shir Guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Hayโadda u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Ergayga Hayโadda UNHCR ee Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayay wafdiga ayaa waxrbixin ka siiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xaaladda qaxootiga Soomaaliya ee geeska Afrika iyo waxyaabaha ay ka caawisay Hayโadda UNHCR, iyadoo ay kulanka ku wehliyeen Wakiilka UNHCR Soomaaliya & Masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Hayโadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo qayb ka ahayd kulanka ayaa sheegtay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku dhaqan gudaha dalka.
Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa uga mahadceliyay Hayโadda UNHCR caawintooda ku aaddan guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.