Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waa weyn dalka Talyaaniga iyo hayโadaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa si qoto dheer uga sheekyay xiriirka tariikh fog ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, wuxuun u sheegay in ay u furan yihiin fursado maalgashi ku sameeystaan dalka taas oo fursad dhaqaale u noqon karta bulshada Soomaaliyeed iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeya.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca uga mahadceliyey dadaalka iyo sida ay u daneynayaan in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.