Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan mihiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsaada dhoofisa Kalluunka.
Wasiirka ayaa ganacsatada kala hadlay sidii loo Horumarin lahaa nidaamka suuq gaynta kalluunka Soomaaliya, Caqabadaha haysta ganacsatada iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ganacsatada iyo Kalluumeysatada Soomaliyeed.
Wasiir Axmed ayaa sheegay in wasaaradda dhiirigelineyso barmaamijyada bulshada ee wax soo saarka kalluumaysiga, isla markaana ay ganacsatada ka taageerayaan sidii ay u heli lahaayeen sharciyada dhoofinta Kalluunka, iyo Suuqyo casri ah.