Muqdisho (SONNA) Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku duwaha howgallada arrimaha baniโaadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane Adam Abdelmoulu.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee lagu horumarinayo kalluumeysiga gudaha, dhaqaalaha badda iyo abuuridda fursado ay dadka Soomaaliyeed uga faaโiideysan karaan kheyraadka badda.
Wasiir Axmed ayaa ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaagay in xukuumadda Soomaaliya ay ka goโan tahay inay xoojiso wax soosaarka gudaha, si dadka Soomaaliyeed uga maarmaan deeqaha dibadda sidaa darteed ka wasaarad ahaana ay doonayaan in arrimaha horumarinta kalluumeysiga gudaha muhiimad gaar ah la siiyo.