Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS xildhibaan Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.
Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiirigalinta kor uqaadista xirfadaha Dhijitaalka, Sara u qaadista ICT-da iyo sidii Sharciyo iyo habraac looga samenynlahaa Maamulka Garaadka Macmalka IA maadaama si xolwli uu ku socdo.
Wasiirka Isgaarsiinta xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa Xoghaayaha guud ee IT la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.
“Wasaaradda waxa ay go’aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka,
dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah Suuqa Shaqada dhijitaalka”.
Wasiirka Isgaarsiinta ayaa dadaal ugu jira dardargalinta Casriyeenta Nidaamka dowliga iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.