Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
GudahaWararka

War-saxaafadeed: Madasha amniga Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

By Abdulkadir
Last updated: December 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho SONNA) Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay “Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,” ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas’uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internetka, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Madashan, oo ah mid sanadle ah, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka, kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta fahamka guud ee daneeyayaasha ee ku wajahan mas’uuliyadda wadajirka ah ee amniga dhijitaalka. Sidoo kale, madasha waxaa lagu falanqeyn doonaa doorka amniga Saaybar-ka ee kaabayaasha dhijitaalka ee qaranka (Digital Public Infrastructure), iyo baahida loo qabo nidaamyo iyo siyaasado casri ah si loo yareeyo khataraha sii kordhaya ee internet-ka.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka madasha, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Muqdisho iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee wada-qabashada madashan.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furitaanka madasha ka hadlay, ayaa xusay in amniga saaybarku yahay tiir-dhexaad ka mid ah ajendaha isbeddelka dhijitaalka ee Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wadajir ah loo wajaho khataraha saaybarka. Maareeyaha ayaa sidookale xusay in HIQ ay ka go’an tahay dhismaha nidaamyo iyo awood farsamo si loo ilaaliyo kaabayaasha isgaarsiinta qaranka iyo adeegyada dhijitaalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Macallin Adan (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay madasha. Wasiirka ayaa ku tilmaamey in Amniga Saaybarka-ku uu yahay halbeeg qaran oo mudnaan gaar ah leh, isla markaana wasaaraddu ay waddo diyaarinta iyo hirgelinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah, laguna ilaalinayo xogta iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in mar dhaw baarlaamaanka ansixin doono sharciga Amniga Saaybarka.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee madasha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa khudbado muhiim ah, fadhi-doodyo, warbixinno cilmi-baaris, iyadoo diiradda lagu saari doono horumarinta amniga Saaybar-ka ee dalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga u dhexeeya daneeyaasha kala duwan ee amniga saaybarka dalkeenna. Doodahaasi waxaa laga filayaa in ay soo saaraan talooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo heerka amniga saaybarka ee qaranka.

Madashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta nidaamyo, siyaasado, iyo awood qaran oo lagu xaqiijinayo amniga dijitaalka ah iyo adkeysiga kaabeyaasha dhijitaalka ee Qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):  1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada London kaga soo…

GudahaWararka
November 22, 2023

Tirada dadka Maraykanka ugu dhintay COVID-19 oo sare u kacday

Washington (SONNA)- Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 tallaadadan maanta ah, taas oo ka dhigan…

Wararka
September 22, 2020

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baydhabo-(SONNA)-Cali Ibraahim Cabdi oo magaciisa Afgarashada Kooxda Khawaarijta loo yaqaano (Cali Garabey ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
June 27, 2023

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Muqdisho (SONNA):- Alle ha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG ah burburkii kadib ayaa ku…

Wararka
March 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023