Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo bangiga adduunka, iyadoo si gaar ah loo lafaguray horumarinta mashaariicda bangiga uu ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada Nagaad iyo Shiib.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo hannaanka fulinta mashaariicda hadda socda, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwal sanadeedka ee horey loo dejiyey, iyadoo la dardargelinayo habraacyada hirgelinta si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda muddada dhow iyo tan fogba.
Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo taageerada la xariirta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida waddooyinka, biyo-mareennada iyo mashaariicda horumarineed ee saldhigga u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada iyo kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka.
Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo yididiilo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda hawlaha guud iyo bangiga adduunka, taas oo horseedi karta horumar la taaban karo oo dalka ka hirgala.