Mugdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda TIS+.
Kulan oo ahaa mid isbarasho, xog waraysi iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee u dhexeeya wasaaradda iyo Hay’adda TIS+ ayaa madaxa Hay’adda looga dhegaystay warbixinno la xiriirta mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan.
Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyey shaqada ay hay’addu hayso, waxaana uu sheegay in wsaaradda hawlaha guud ay ka go’antahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay wsiir ku xigeenka wasaaradda Maxamed Cali Maxamuud (Taam), wasiiru dowlaha wasaaradda Siciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo agaasimahaa Guud Mahdi Sheekh Cabdullahi.