Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga
GudahaWararka

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 17, 2025
1 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarinta magaalooyinka dalka.

Intii uu socday kulanka Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga, labada dhinac waxay si gaar ah uga wadahadleen dardargelinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xarunta Gahayr, oo ah mid mudnaan gaar ah leh.

Dhanka kale, Wasiir Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Safiir Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kulamadan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Midowga Yurub oo xayiraad ku soo kordhiyey bixinta fiisaha muwaadiniinta u dhashay dalka Itoobiya

Muqdisho (SONNA):- Golaha Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya.…

CaalamkaWararka
April 29, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska 15-ka May

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May Awgeed waxa uu Ubax…

GudahaWararka
May 15, 2024

10 katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Muqdisho(SONNA):-Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta…

GudahaWararka
June 5, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Washington+ Sawirro

Washington-(SONNA)_Sebteembar 28, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta…

Wararka
September 28, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023