Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar
    February 8, 2026
    Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta
    February 7, 2026
    Horjoogayaashii Khawaarijta ee ku naaxay Baadda Shacabka oo la soo afjaray
    February 7, 2026
    AKHRISO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka
    February 7, 2026
    𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐲
    February 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maalin ee Ka Hor tagga Tacadiyadda Dumarka “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maalin ee Ka Hor tagga Tacadiyadda Dumarka “Sawirro”
GudahaWararka

Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maalin ee Ka Hor tagga Tacadiyadda Dumarka “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 26, 2020
3 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furtay ololaha 16 maalin ee ka hor tagga tacadiyadaha haweenka.

Kulanka daah furtay ololaha, waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo ururada haweenka, wasiirka haweenka oo ugu horeyn ka hadashay kulanka ayaa waxaa ay ka tacsiyeysay dhacdadii xanuunka badneyd ee habeen hore ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool oo Alshabaab qoys idil ku laayeen.

Alshabaab ayaa habeen hore degmada Waajid ku laayay qoys ka kooban todobo xubnood oo ay ku jiraan hooyo uur leh iyo carruur aad u yar yar, sidoo kale waxaa dadka la dilay ku jiray aabaha qoyskaas, Allah u naxariistee.

“Falkaas wuxuu ka suurtagalaa qof aan damiir laheyn, waxay ka suurtagashaa qof aan diin laheyn, waa dad birimageydo ah laakiin qolyahan argagaxisada ah arrintaas ma ixtiraamaan, waxay beegsadaan dadka ugu nugul bulshada, runtii dhibaatooyinkaas waa wax aan qof damiirkiisu nool yahay u dul qaadan Karin” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi, oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in wasaaradda kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, iyadoo xustay in guddigaas ay yihiin kuwa wax ka qaban kara dhibaatooyinka soo laa laabtay ee haweenka lagula kaco.

Wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya, oo si rasmi ah u daahfurtay ololaha ayaa xustay in shaqooyinka hor tabinta leh ee wasaaradda u yaala ay kamid yihiin dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha oo dalka muhiimad gaar ah u leh.

“Qorshaha 100 maalin ah ee wasaaradda waxaa ku jira dhowr hal beeg oo ay ugu horeyaan horumarinta xuquuqda aadanaha, sida dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha hey’adda naafada qaranka iyo meel marinta sharciga la dagaalanka guddniinka fircooniga” ayay xustay Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Hal ku dhigga sanadkan ayaa ah in loo ololeeyo ka qeybgalka haweenka siyaasadda dalka, iyadoo ololaha 16 maalin uu socon doono ilaa 10 bisha December, waana olole caalami ah oo dunida oo dhan laga waddo.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Qaahira,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu…

February 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo guddoomiyey kulan ku saabsan mashariicda horumarinta Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah…

GudahaWararka
December 17, 2024

Beesha Caalamka oo isku raacay in Dowladda Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab

Muqdisho.(SONNA):- Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya,Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee…

GudahaWararka
March 1, 2023

Khawaarijta Al-shabaab oo lagu jabiyey dagaalka tooska ah

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jabay dagaalka tooska ah ee ay la galeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga…

GudahaMaqaalladaWararka
March 12, 2023

Dhulgariir ka dhacay Albania oo geystay khasaaroyin kala duwan

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 ayaa ku dhuftay woqooyiga magaalada Tirana ee caasimadda dalka Albania,kaas oo geystay lix dhimasho ah iyo…

Wararka
November 26, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023