Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maal-gashadeyaal ka socday wadanka Turkiga oo dalka u yimid siddii ay u maal-gashan lahaayeen dalka, waxaana ay dhinacyada ka wada-hadleen siddii ay wadanka uga sameyn lahaayeen Isbitaalo waa weyn oo wax ka tara baahiyaha dhinaca caafimaadka ee mar walba loo aaddo wadanka Turkiga.
Kulanka oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale, ayaa Wasiir Khaliif waxa uu ku amaanay dawladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay mar walba soo dhaweynayso Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha danaynaya in ay maal-gashadaan qeybaha kala duwan adeegyada sida Caafimaadka iyo weliba wax-soo-saarka dalka.