Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee Istanbul, ayaa la kulmay Madaxweynaha golaha sare ee xiriirka dhaqaalaha dibadda wadanka Turkey ga Mr. Nail OLPAK oo ah madal ay ku midaysan yihiin guud ahaan ganacsatada wadankaas.
Dhinacyadu, waxay ka wada hadleen dhiirigelinta Maalgashiga, is-dhex-galka ganacsatada, iyo weli ba abuurista madasha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo u dhaxaysa wadamada Soomaaliya iyo Turkey ga taas oo abuuri karta iskaashi iyo weli ba fursado ganacsi iyo kuwo maalgashi oo labada dhinac ah.
Waxa kale oo ay ka wada sheekaysteen ganacsiga labada dhinac, iyo sidii loo fududeyn lahaa dhoofka iyo wax soo dejinta inta ba si horumar loogga sameeyo isku dheeli-tirka ganacsi ee labada dal.