Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha XFS oo ka qeyb galay madasha iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika “Sawirro”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ka qeyb-galay madasha iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika kaas oo loogga hadlaayey arrimo la xidhiidha xoojinta iskaashiga, ganacsiga, maal-gashiga iyo Tiknoolajiyadda.

Shirka, ayaa waxa Wasiirka ku wehelinaayey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Amb. Jaamac Caydiid Mohamed, u-qaabilsanaha Ganacsiga ee safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa leh xidhiidh ganacsi oo soo jireen ah iyada oo Soomaaliya ay dalkaasi u dhoofiso badeecado kala duwan oo muhiim sidoo kale na sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordhayaan wax-soo-saarka dalka ee loo dhoofiyo dalkaasi. Waxa kale oo iyadu na xusid mudan in dhawaan la dhammeystiri doono heshiiska TEPA ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo kor u sii qaadi doona suuqyadii ganacsi ee Soomaaliya, fududeynta wax is dhaafsiga, dheeli-tirka ganacsiga iyo weli ba horumarinta dhinacyada Maal-gashiga iyo Dhaqaalaha.

 

La wadaag cid kale