Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan+Sawirro
Wararka

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 22, 2020
2 Min Read
Share

MUSCAT-(SONNA)-Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan.

Mudane; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa waxaa booqashadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Gacansiga , Safiirka Soomaaliya u jooga Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani) iyo xubno kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn booqday Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kalena farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka laga isticmaalo Wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ka furtaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md; Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha Dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah.

Labada Wasiir, ayaa waxay ka wada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga Gaadiidka iyo sidii loo heli lahaa duulimaad toos ah oo isku xira Oman iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen siddii looga faa’ideysan lahaa marin Biyoodka isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro ganacsiga ugu badan ee isaga goosha Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiirradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya, waxanay isla garteen in Labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xiriira ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee Dalka Cummaan Dr; Sacuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada-hadlay siddii dalagga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya loggu iib-geyn lahaa Dalka Cummaan iyo in ay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo dalagga Beeraha.

Ugu dambeyntii, ujeeddada safarka Wasiirka ee Dalka Cummaan, ayaa ahayd siddii loo ballaadhin lahaa suuqyada loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa Suuqyo cusub oo loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMa oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo midaynta Fariimaha looga digayo khataraha

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi…

GudahaWararka
November 15, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Nairobi(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir…

GudahaWararka
November 1, 2025

Ra’iisul-wasaaraha XFS oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg-degga ah

Muqdisho (SONNA), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in…

Wararka
October 15, 2020

Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhalan kara Roobka Guga

Muqdisho (SONNA):- Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale maanta ku celisay in Roobka gu'ga ee ka curtay dalka sida…

GudahaWararka
April 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023