Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga
GudahaWararka

Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 14, 2023
3 Min Read
Share

Dhuusamareeb-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayey hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga oo magaalada Dhuusamareeb ka socoday maalmihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo u dhexeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray qodobbo

In la mideeyo Documentiyada ganacsiga lana qaato hal nooc oo ay bixineyso wasaaradda ganacsiga iyo Wershedaha DFS , kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isla markaasna ay Documentiyadu ahaadaan kuwo ka mideysan nashqadaha iyo xogta ku qoran oo ay ku kala duwanaadaan saxiixa iyo astaanta.

In wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii, si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha DFS, Wasaaradaha Ganacsiga maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wada jir ah u diyaariyaan heer nidaamiyeyaasha sharciga shirkadaha iyo hannaanka loo maraayo diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In Wasaaradda ganacsiga DFS , kuwa maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaataan dib u eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhowaan wasaaradda ganacsigu kasoo celisay golaha wasiirrada XFS.

In Wasaaradda Ganacsiga DFS ay wasaaradaha ganacsiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir la wadaagto warbixintii qiimeynta ahayd ee laga diyaariyay diiwaan gelinta ganacsiyada kadibna aragtideeda ay ku biiriso wasaarad kasta, si loo gudo galo daadejinta hannaanka ganacsi ee Soomaaliya.

Waxay isku raaceen wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in la billaabo hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya Saddex bil gudahood, laguna billaabo maamul goboleedka Jubbaland.

In soddon maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka kala imanaya wasaaradda ganacsiga DFS, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadi, guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta qilaafaadka ku salaysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan gashan maamullada kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorshe howleedkiisu uu soo dhamaytirmayo ka hor daadejinta hannaanka ganacsiyada Soomaaliya .

Iyo in wasaaradda ganacsiga DFS ay diyaariso abla-ableynta ganacsiga hab waafaqsan jaantusyada caalamiga ah kuna salaysan tirsi lambar International Classifications Course.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji oo soo xiray shirka ayaa tallaabo waxtar weyn u leh dalka ku tilmaamay heshiiskan ay wada gaareen wasaaradda ganacsiga, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul

Istanbul(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal Cabduwahab Cabdullahi Cumar, oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee Hubka…

GudahaWararka
July 25, 2025

Taliye ku xigeenka Boliiska oo Muqdisho tababar uga furay ciidan Taraafiko ah

Muqdisho (SONNA): Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeye guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Boliiska ee Jeneral Kaahiye…

GudahaWararka
June 12, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran

Muqdisho SONNA:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga…

GudahaWararka
August 25, 2024

Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degmada Waajib ee gobolka Bakool

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka xoogga dalka gaar ahaย  Ururka 260aad,ee Qeybta 60-aad ayaa howlgallo Qorshaysan oo lagula dagaalamayo Khawaarijta ka fuliyey deegaano hoos…

GudahaWararka
October 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023